Guur Doon
Bogga Guur-Doon Waa Barnaamij ay Culimada iyo Walaalaha Ka hawlgala ALYAQIIN.com iska kaashanayaan oo Ujeedkiisuna yahay in la isla raadiyo Walaalaha Lab iyo Dhadigba leh ee Doonaya in ay helaan Walaal u qalmo kuna sifeysan Sifaha ay dooneyso/ama uu daanayo.
Barnaamijkan waxaa uu illaa inta la hirgeliyay ka shaqeeyay in la isla raadiyo walaalo isku qalmo Allah fadligiis Wanaag ayay ku dhamaadeen.
Si aan u Hubino in Xal wanaagsan loogu heli arinkaan Waxaan Samayna Waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Rules and regulations” oo ah Qodaba lagama maarmaan u ah in Walaalaha Guurdoonka ah iyo Maamulkaba ay Fuliyaan si ay Hawshan baaxadda lihi si sahal ah ugu socoto oo aanan laga Caajisin Insha allah.
Qodabadaasi waxaa Ka Mid ah.
1.in aad formka-ka ilaabin Magacaada oo saxan
2.Goobta aad Joogto oo saxan
3.Emailkaada Iyo hadii ay suura gal tahay Number-kaada.
4.Da’daada
5.Lab iyo dhadig Cidda aad tahay.
6.Qur’aanka ita Juz aad ka xifdasantahay.
7.Qofka aad Dooneysid Noocuu yahay/Dhererkiis/Midabkiis/ IWM.
8.Da’da ruuxa aad dooneysid.
Hadii aad dooneysi faahfaahin Dheeraad ah Fadlan la xadhiid emailka ah alyaqiin@alyaqiin.com
Number Of Reads:-6580




