Masjidkii ugu weynaa wadanka Holland (Netherland) iyo qaarada Europe qaarkeed oo noqday hanti ay leeyihiin muslimiinta somaaliyeed
U deg- deg sadaqada waa gashaanka la iskaga dhigo Naarta laguna helo jano
Amsterdam: Waxaa mahad oo dhan u sugnaatay Allaah (Subxanahu watacaalaa) noo sahlay in laga hirgaliyo wadanka Holland masaajidkii ugu weynaa ey Soomaali yeelato ee Masjid Quba.
Masjid Quba ayaa laga hirgelinayaa caasimada dalka Holland ee Amsterdam waxaana qeyb weyn ka qaatay Mujtamaca Soomaaliyeed ee ku nool Holland iyo nawaaxigeeda iyaga oo in badan isha ku hayey lana socday dhismaha Masjid Quba.
Waxay culumo iyo ducaadi ka jarmadaan guryahooda,qabow iyo dhaxan,kuleyl,marba albaabo magaalo garacaan oo ay kala kulmaan kheyr iyo shar wax cajiibgeliya,rooti qalalan,biyo iyo timir saad ka dhigtaan,guryahooda ku soo noqdaan waqti cagtu goday,oo qaarkood wadooyinka salaadaha ku tukada, Intaas oo dhan inteeda badan goobjoog Ayaan u ahaa waxaan ku arkay indhahayga.,Allaah subxanahu watacaalaa hortiis.
Taasi waxay suurta gelisay Allaah fadligiisa,in xafidulaah Sheekh Suldaan Gasle, oo ah masuulka Masjidka Quba iyo ducaada Magaalada Amsterdam ee xarunta dalka Hollan ay la soo wareegay furihii Markazaka Quba (khamiis 13-12-2012)
Markale waxaan ugu bishaareynayaa una sheegayaa umada Soomaaliyeed ee ku nool Holland iyo dunida inteeda kaleba in masaajidka uu soo galey gacanteena waana hanti ay yeelan doonaan Muslimiinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka holland iyo Nawaaxigeeda magaalada Amsterdam ee xarunta dalka Netherlad (Holland.)
Masjid Quba waxaa u istaagay culumada iyo Ducaada Soomaaliyeed oo garab ka helaya jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka holland iyo magaalada Amsterdam ee xarunta dalka Hollan waxaana Markaska Quba lagu faafin doonaa inshalaah diinta Islaamka iyo caqiidada Ahlu suna waljamaaca waxaana culumada Masjidka Quba iyo Ducaadaba ay ku dadaali doonaan in shacabka ay ka haqab tiraan baahida diineed ee heysata Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Holland.
Waxaan mahad aan la soo koobi Karin u celineynaa Awalan Allaah (Allaahu Akbar,Allaahu Akbar,Allaahu Akbar,Alhamdulilaah,subxanalaahi wabixamdi subxanalaahil cadiim) Allaaha aan wax la lacaabudin jirin ee kaliga ah,ee isagu ah kan kaliya een uunka gacantiisu ku jirti.
Walaalihii suurto galiyey bacda fadli laahi isla markaasna ku bixiyey naf iyo maal waxay awoodeen waxaan walaalaha kheyrka jecel ee u deg-dega fadliga weyn sadaqada ee lagu hello nimcooyinka Alle aduun iyo aakhiro jano ee ah gashaanka naarta ee Allaahs(SW) iyo Rasulkisii (SCW) inoo shegeen.la socodsiineynaa.
In nagu leeyahey qeyb ka mid ah kharashkii aynu ku iibsaney masjidka, waxaana naloo qabtey mudo kooban waxaana ka rajeynaynaa dadka Muslinka ah in ay inta yar ee dhiman aan iska wada kaashano Allaah dartiis.
Xafidulaah shiikh Suldan Gasle iyo ducaadii oo la wereegay furihii masjidka (Alxamdulilaah
Fiiro-Gaara: hadii aad sadaqo ku dersanasid Masjid quba la xiriir
Masjid Quba Amsterdam
Xafidulaah sheekh suldan Gasle
Tel:+31 (0) 644 20 14 50 Of: +31 (0) 681 40 81 96
waxaana alle ka baryeynaa in acmaasheena uu ka dhigo mid kaligiis u gaar ah (Amiin)
By/Mahamed Awed Abbas (Netherland – Amsterdam)
Number Of Reads:-1180 ALYAQIIN.COM News Desk:Contact us at alyaqiin@alyaqiin.com or Via Our Contact Page ...












alla mahadii hadii masjid lagasoo hirgaliyo holand ,waxaanan leeyahay dadkii ka qayb galy dhismahaa
allaha ka amaal mariyo jana firdowsana galiyo