Loolanka Islaamiyiinta iyo Calmaaniyiinta Masar: Sheikh Maxamed Sh.CabdiRaxmaan Kaariye
Loolanka Islaamiyiinta iyo Calmaaniyiinta Masar:
Sheikh Maxamed Sh.CabdiRaxmaan Kaariye
U malayn maayo in maanta laga murmi karo heerka qadiyada shareecadu joogo, iyo sida dhawaqeedu u gaadhay meelo badan oo ka mida dunida Islaamka. Qof walba oo inkiraya doonista Muslimiinta ee ku wajahan shareecaduna waa laba uun midkood, xaasid doonaya inuu runta daboolo, ama waa qaafil nolosha iyo waayaheeda ka dhacsan.
Maanta oo Sabtiya, taariikduna tahay Muxaram/17/1434 oo waafaqsan 12/1/2012, ayaa waxa ka dhacay goobta An-nahda “ميدان النهضة” oo ku taala Jaamicada Qaahira horteeda banaanbax ay soo habeeyeen Islaamiyiinta Masar, oo loogu magac daray “مليونية الشريعة والشرعية” . Banaanbaxan oo ay ka soo qayb galeen milyan ilaa milyan iyo badh qof, sida ay sheegtay wakaalada Anaadool ee wararku. Inkastoo ay maamulayaasha mudaaharaadku ku qiyaaseen dadkii isku soo baxay seddex milyan oo qof.
Cid walba oo daawatayna waxay ka markhaati tahay inay goobta ka muuqatay mowjado dada oo qulqulaya, oo qofkii dhex joogaa aanu sinaba u arki karayn bilowgeeda iyo dhamaadkeeda midna.
Armiha dadkan isku soo baxay u mudaaharaadayeen waxa ugu weynaa u hiilinta shareecada iyo taageero la siinayo madaxweyne Mursi. Dadku waxay ku dhawaaqayeen ereyo badan ooy ka muuqato xamaasad, kuna muujinayeen jacaylka ay u qabaan shareecada Islaamka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: “الشعب يريد تطبيق شرع الله” oo ah “shacbigu wuxuu doonayaa ku-dhaqanka shareecada Ilaahay”.
Banaanbaxan laxaadka leh ee ka nixiyay cadowga diinta iyo shareecada, isla markaana farax geliyay Muslimiinta jecel diinta iyo shareecada Islaamaka ayaa waxa laga dheegan karaa faa’iidooyin iyo duruus fara badan oo wax tar gaara u leh Islaamiyiinta meel walba ooy dunida kaga nool yihiin, wax tar guudna u leh Muslimiinta oo dhan. Waxaan jecelahay inaan walaalaha la wadaago qodobada soo socda oo ku wajahan faa’iidooyinka iyo duruustaa loo baahan yahay inay daalacdaan ooy dhuuxaan cid walba oo ku howlan sidii shareecada Islaamka loogu dhiqi lahaa dunida Islaamka, waana sidan:
Kow: Islaamiyiinta Masar waxay daaha ka feydeen wajiga foosha xun ee calmaaniyiinta, libiraaliyiinta iyo hadhaagii taliskii xumaa ee Xusni Xubaarak “فلول النظام” , Dr.Sh.Saciid Cabdulcadiim oo xubin ka ah Golaha Umanada Dacwada Salafiga ayaa yidhi:
“مصر الآن تنقسم بين تيارين: الأول يطالب بتطبيق الشريعة الإسلامية، والثاني يضم التيارات التي تهاجم الشريعة الإسلامية”.
“Masar waxay iminka u qaybsantahay laba qolo: qolo doonaysa ku-dhaqanka shareecada Islaamka, iyo qolo ka kooban kuwa hujuumaya shareecada Islaamka”.
Inta aan farta lagu fiiqin, een la kashifin calmaaniyiinta soo-geleetinka ku ah dunida Islaamka, iyo afkaartooda dhoofka lagu keenay, waxa hubaala in shucuubta Muslinku ay jaho wareer kaga sungnaan doonaan waajibnimada ku-dhaqanka shareecada Islaamka.
}وَكَذَلِكَ نُفَصِّل الْآيَات وَلِتَسْتَبِينَ سَبِيل الْمُجْرِمِينَ{
{Sidaasi oo kale ayaanu u kala bixinaynaa (caddaynaynaa) aayadaha, iyo inuu cadaado jidka mujrimiintu (dambiilayaasha)}. Al-ancaam:55.
Ibnu Qayim ayaa ku sheegay buuggiisa “الفوائد” hadal aad u qiimo badan, kuna lifaaqan xikmad, kaasi oo sheegaya sida Ilaahay u kala saaray jidka mu’miniinta iyo jidka mujrimiinta, hadalkan oo uu cinwaan uga dhigay “قاعدة جليلة” , waxa uu ku yidhi:
“ والله تعالى قد بين في كتابه سبيل المؤمنين مفصلة ، وسبيل المجرمين مفصلة ، وعاقبة هؤلاء مفصلة ، وعاقبة هؤلاء مفصلة ، وأعمال هؤلاء وأعمال هؤلاء ، وأولياء هؤلاء وأولياء هؤلاء ، وخذلانه لهؤلاء وتوفيقه لهؤلاء ، والأسباب التي وفق بها هؤلاء والأسباب التي خذل بها هؤلاء ، وجلّى سبحانه الأمرين في كتابه ، وكشفهما وأوضحهما وبينهما غاية البيان… فالعالمون بالله وكتابه ودينه عرفوا سبيل المؤمنين معرفة تفصيلية ، وسبيل المجرمين معرفة تفصيلية ، فاستبانت لهم السبيلان ، كما يستبين للسالك الطريق الموصل إلى مقصوده ، والطريق الموصلة إلى الهلكة” .
“Ilaahay ,tacaalaa, kitaabkiisa ayuu si kala baxsan ugu caddeeyay jidka mu’miniinta iyo jidka mujrimiinta, caaqibada koox walba, camalada koox walba, awliyada koox walba, siduu u hoojiyey mujrimiinta iyo siduu u waafajiyey mu’miniinta, asbaabaha uu ku waafajiyey mu’miniinta iyo asbaabaha uu ku hoojiyey mujrimiinta, Ilaahay -subxaanuhuu- labadaa arimood wuxuu ku cadeeyey kitaabkiisa, oo si xeel dheer ayuu u cadeeyey oo daaha uga feyday…Kuwa cilmiga u leh Ilaahay, kitaabkiisa iyo diintiisuna si kala baxsan ayay u ogaadeen jidka mu’miniinta iyo jidka mujrimiinta, markaasay u kala cadaatay labada jid, sida qofka socdaalaya ay ugu kala cad yihiin dariiqa gaadhsiinaya meeshuu ku socdo iyo dariiqa uu ku halaagsamayo”.
Xarakaadka Islaamigi marna yoolkooda gaadhi maayaan intay ka aamusan yihiin sheegida xukunka Ilaahay ee ku wajahan calmaaniyiinta iyo cid walba oo diidan shareecada iyo xukunka Islaamka. Sida xooga leh eey calmaaniyiinta Masaaridu uga soo horjeedsadeen shareecada Islaamka iyo sida qayaxan eey u caddeeyeen colaada ay u hayaan diinta iyo shareecada ayaa wax ku qaadasho ugu filan Islaamiyiinta ilaa hadda ku asqaysan fikrada odhanaysa waxbaa lala qabsan karaa calmaaniyiinta iyo libiraaliyiinta. Hadaladii qadafka ku ahaa shareecada ee uu Al-baraadici ku yidhi saxaafada caalamiga ah ayaa daliil u ah waxaan sheegayo.
Laba: Codadka shareeco doonka ah ee Masaaridu waxay noqdeen tiro adag “رقماً صعباً” , oon laga talaabsan karayn, lana hareer mari karayn. Talaabo kasta oo loo qaado dhinaca shareeco diidnimadu waxay Masar u horseedi kartaa qalalaase iyo duruufo aan la mahadin oo dhibtoodu saamayso dadka iyo dalkaba. Sababtuna waxay tahay in aqlabiyada shacabka Masaaridu rabaan dhaqan gelinta Shareecada Islaamka, doonistooduna waa mid xaqa oo loo baahan yahay in la tixgeliyo, lana dhegaysto oon sinaba layskaga dhago tirin.
Teeda kale, Muslimiintu ikhtiyaar uma laha dhaqan gelinta shareecada, waa faral Ilaahay waajibiyay, waa soohdinta iimaanka iyo xaqiiqada Islaamnimada, waana shardiga aqbalida diinta. Xaqnimadeedu way ka sareeysaa awooda dowlada, madaxweynaha, golaha shacabka iyo barlamaanka intaba, balse dowlada iyo madaxweynaha ayay ka lumaysaa adeecistii iyo maqalkii ay ku lahaayeen shacabkooda.
Wuu dhamaaday waqtigii Islaamiyiinta lagu jidh dili jiray xabsiyadii duqaadu, waa laga soo gudbay maalmihii la cabudhin jiray codadka xaqa ku baaqaya. Calmaaniyiintu waa inay indhaha kala qaadaan ooy arkaan waaga cusub ee baryey, waa inay la jaanqaadaan dhacdooyinka iyo duruufaha cusub ee hadheeyay Masar iyo dadkeeda. Hana ogaadaan in gurmad ay dibada ka raadsadaan waxba ka bedelayn doonista adag ee ku wajahan dhaqan gelinta Shareecada Islaamka. May filanayn waayaha cusub ee hor yaala, laakiin waa amarka Ilaahay een marnaba la hor istaagi karin. Ilaahay, subxaanahuu, wuxuu yidhi:
} وَاللَّهُ غَالِبٌ عَلَى أَمْرِهِ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لا يَعْلَمُونَ {
{Ilaahay waa ilaaha ku adkaada arinkiisa (suurta geliya oo qaalib ku noqda), laakiin dadka badankoodu ma oga}. Yuusuf:21.
}وَعَدَ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنْكُمْ وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَيَسْتَخْلِفَنَّهُم فِي الأَرْضِ كَمَا اسْتَخْلَفَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ وَلَيُمَكِّنَنَّ لَهُمْ دِينَهُمُ الَّذِي ارْتَضَى لَهُمْ وَلَيُبَدِّلَنَّهُمْ مِنْ بَعْدِ خَوْفِهِمْ أَمْنًا يَعْبُدُونَنِي لا يُشْرِكُونَ بِي شَيْئًا وَمَنْ كَفَرَ بَعْدَ ذَلِكَ فَأُوْلَئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ {
{Alle wuxuu u yaboohay kuwa idinka midka ah ee mu’miniinta ah ee sameeyay camalada saalixa ah in uu dhulka khaliifo uga dhigi doono “maamulka gacanta u galin doono”, siduu khaliifo uga dhigay kuwii ka horeeyay, wuxuuna u sugi doonaa “u hirgelin doonaa” diintooda uu uga raali noqday, wuxuuna cabsidooda dabadeed ugu bedli doonaa amni, weyna i caabudi iyagoon waxba ii shariig yeelayn, ciddii gaalowda intaa ka dibna kuwaasi waa faasiqiin}. An-nuur:55.
Seddex: Waxa aduun weynaha u caddaatay in Shacbiga Masar rabo Shareecada Islaamka, iyo in ku-dhaqanka shareecadu aanu ahayn doonista islaamiyiinta oo kaliya, balse uu yahay doonista shacabka Masar si loo gaadho horumarka la higsanayo. Xaqiiqadu waxay tahay in isku soo baxan ay ka soo qaybgaleen dadweyne badan oo ka baxsan xeyndaabka jamaacooyinka iyo xisbiyada islaamiyiinta, waxa ku jiray dad madax banaan(mustaqiliin), culimo azhariyiina, dumar, shaqaale, maclimiin jaamacadeed, iyo arday aan lahayn calaamad xisbi iyo jamaaco midna. Waxa kaliya eey goobtaa u yimaadeena ay ahayd inay muujiyaan doonistooda ku wajahan hirgelinta shareecada Islaamka.
Afar:Islaamiyiinta Masar oo ku midoobay laba arimood oo muhiima, kuwaasi oo ah: (1) U hiilinta shareecada (2) Iska bahaysi ay iska bahaysteen dhammaan wixii ka soo horjeeda Shareecada.
Shan: Inay muujiyeen wada-tashi iyo wada shaqayn, midhaha wada-tashigaa waxa ka mida banaanbaxan ay ka qayb galeen malaayiintu, sida wararka lagu sheegeyna waxa ka qayb galay xoogaga Islaamiga ah eey ka mid yihiin: Ikhwaan Al-muslimuun, Adacwa Asalafiya, Ansaar Asuna Al-muxammadiya, Al-jamaaca Al-islaamiya, Haya’da Sharciga ee Islaaxa iyo xuquuqda, Xisbiga Xoriyada iyo Cadaalada, Xisbi Anuur, Xisbiga Al-binaa wat-tanmiya iyo Xisbul Asaala.
Kacdoonka weyn ee shareeco doonka ah ee maanta ka socda Masar dhexdeedu, waa mid ayna si gaara u sheegan karayn koox, xisbi iyo jamaaco midna, waayo waa midho ka dhashay howl mudo dheer soo socotay, waana guul lagu keenay dadaal ay ka qayb qaateen Muslimiin badan oo ku raadsatay raalida Ilaahay iyo taagista diintiisa, dad badan oo howshaa ka soo qayb qaatayna maanta ifka inalama joogaan, midhihii camalkoodana indhaha kumay arag, laakiin Ilaahay ajarkooda dayici maayo.
Cid walba oo u dhuun daloosha xaalada Masar waxay qiraysaa in madaxweyne Mursi oo ka soo jeeda Ikhwaanku, ayna suuro gal u ahayn inuu ka guulaysan lahaa Shafiiq oo isna ka soo jeeday hadhaagii Mubaarak, ahaana faraska u ordeyay calmaaniyiinta, haddii ayna Salafiyiinta iyo islaamiyiinta kale codadkooda siin Mursi.
Lix Dhirbaaxo weyn ayaa gaadhay Al-baraadici, Camar Muuse, iyo calmaaniyiinta cadowga ku ah shareecada Islaamka ee sheeganayey in shacabku iyaga gacanta ugu jiro. Waxa la wada arkay in calmaaniyiinta iyo xoogaga libiraaligu aqaliyad ku yihiin dalka Masar, waxa kale oo la arkay inay rabaan siday u afduubi lahaayeen doonista shacabka ee ku wajahan hirgelinta shareecada. Waxa intaa u dheer inay faraha la galeen qalalaase iyo rabshado ay dalka ka ridaan, islaamiyiinta oo si walba iskugu dayeysa siday dalka iyo dadkaba uga badbaadiyaan rabshado dabkeeda ay ku wada gubtaan reer Masar oo idili, ayaa waxa muuqata in calmaaniyiintu ku mashquul sanyihiin inay dalka gubaan haddii xukunkii gacantooda ka baxay.
Todoba: Waxay kashiftay munaafaqada warbaahinta Galbeedka ee cuskata wararka been abuurka ah eey ka soo xigato fadhiyada ay saxfiyiintoodu kula yeeshaan calmaaniyiinta Masaarida makhaayadaha koofiga lagu cabo ee ku yaala suuqyada Qaahira (coffee shops).
Sideed: Islaamiyiinta oo muujiyay caqli badni iyo aragti maslaxadeed, taasina waxa u daliila in ay ugu horayntii sheegeen inay banaanbaxa ku qabanayaan Goobta At-taxriir oo ah goobtii uu ka bilowday kacdoonkii lagu riday Xusni Mubaarak. Hase yeeshee waxay u bedesheen goobta An-nahda, taasina waxa sababay inay ka fogaadeen isku dhac ka dhex dhaca iyaga iyo dad la mudaaharaadayay Baraadici iyo cadowga shareecada. Waxay arkayeen in dad badan oo la mudaaharaadayay calmaaniyiintu yihiin kuwo maskaxda laga xaday, kuwo kalana lacag iyo laaluush lagu iibsaday. Sidaa awgeedna ayna wax maslaxadi ku jirin in shacabka Masar isku dhaco, ama dagaal sokeeyo ka dhex abuurmo. Ujeedadoodu waxay tahay in la takooro calmaaniyiinta, sumadna loo yeelo Al-baraadici iyo kooxaha shareecada diidan, isla markaana shacabka la fahansiiyo waajibnimada ku-dhaqanka shareecada, si meel looga soo wada jeedsado kooxaha shareeco diidka ah.
Sgaal: Islaamiyiinta Masar waxay isku raaceen inayna marna meel kaga dhacayn xuquuqda ay shareecada islaamku siisay aqaliyada Nasaarada ah ee Masaraarida ah (qibdiyiinta).
Toban: Waxay barnaamijkooda ku caddeeyeen in mashruuca shareecadu aanu ku koobnayn sharciyada ciqaabta oo kaliya, balse ay shareecadu koobayso axkaamta diinta oo dhan. Sidaa awgeedna waxa uu mashruuca shareecadu ku wajahan yahay: la dagaalanka faqriga iyo dulmiga, kobcinta wax soo saarka iyo dhaqaalaha, shaqo abuur iyo la dagaalanka baagamuudaha, iyo hore marinta waxa barashada iwm.
Gabagabo:
Salaan iyo hambalyo kashka iyo laabta ah ayaanu hawada u marinaynaa cid walba oo ka qayb qaadatay banaanbaxaa muuqaalkiisu xambaarsanaa duruusta iyo faa’iidooyinka ka badan intaan kor ku xusay. Jawaab kulul oo hadal ka weyn ayuu banaanbaxaasi siiyay Al-baraadici, Camar Muusa iyo calmaaniyiinta oo dhan, waxana uu lisaanu xaalka mudaaharaadku ku lahaa cadowga shareecada:
“الجواب ما ترى لا ما تسمع”
(Jawaabtu waa waxaad aragto, ee maaha waxaad maqlayso)
Shareecada Ilaahay waxay xambaarsan tahay wixii maslaxad iyo dan u ah dadka iyo duunyada, waxay dadka ka kor qaadaysaa dhibta iyo cidhiidhiga, waxay inoo horseedaysaa cadaalad, raxmad iyo nolol wanaagsan, Al-xaafid ibnu Qayim ayaa isagoo arinkaa tilmaamaya yidhi:
“فالشريعة عدل الله بين عباده ورحمته بين خلقه”
(Shareecadu waa cadaalada Alle ee uu dhex dhigay adoomihiisa, iyo naxariistiisa uu dadka siiyay)
Khayr iyo guul ayaanu u rajaynaynaa Muslimiinta Masar, Ilaahay ayaana og waxa uu xaalkoodu ku dambayn doono, waayo isaga ayuun baa qaybka iyo waxa maqan og, waxase iyaga looga baahan yahay inay waaqicooda ku eegaan fiiro waayo aragnimo, taariikhdii soo martayna ka dheehdaan duruusta ay xambaarsan tahay. Waa inay ogaadaan in marxalada ay ku jiraan ayna ahayn tii jamaacooyinka iyo masaajidada, balse ay tahay mid looga fadhiyo inay dowlad dhisaan, kuna hamiyaan in loo gogol xaadho khilaafo Islaamiya oo Muslin oo dhan kulmisa.
In dowlad la dhisaana ka adag marxaladii jamaacooyinka, waayo xubnaha jamaacadaada inta badan isku argati iyo ra’yi ayaad tihiin, laakiin dadka dowlada kula dhisaya eed xataa islaamiyiinta wada tihiin waxyaabo badan ayaad ku kala duwan tihiin. Waxa intaa dheer in kuwaad isku jamaacada iyo xisbiga tihiin isku khilaaftaan arimo ijtihaadiya oo ku wajahan dowlad-dhisida iyo dhacdooyinka marxalada cusub. Waxa idinku xeeran duruufo goboleed iyo kuwo caalamiya oo loo baahan yahay in loola dhaqmo si waafaqsan shareecada, iyo si la jaan qaadi karaysa itaalkiina iyo awoodiina, idinkoon marnaba ka talaabsanayn, kana tanaasulayn xuduuda diinta iyo shareecada.
Siyaasadu wada nadiif maaha, waxana fudud sida loogu kufo, taana waxaad kaga badbaadaysaan inaad shuurada iyo wada tashiga badisaan, talada wax ka siiya cid walba oo ka fakiraysa danta diinta iyo ummada, sida culimada, siyaasiyiinta nadiifta ah, khubarada dhaqaalaha, musaqafiinta, macalimiinta dugsiyada, barofasoorada jaamicadaha, ardayda, saxafiyiinta, ururada bulshada.
Siduu yidhi Sheekh Xaafid Salaama oo taariikh dheer ku dhex leh bulshada Masaarida: “mujtamaca Masaarida oo lagu qiyaaso sideetan milyan , aad ayuu uga badan yahay dadkii banaanbaxay, sidaa awgeed yaan la ilaabin dadka intooda kale”
Shacabkiina Muslinka ah ayaa garab iyo gaashaanba idiin ah, ogaadana in haddii shacabkiina Muslinka ah laydinka hor keeno ay taasi dhabar jabin ku keenayso mashruuciina Islaamiga ah. Sidaa awgeed ayuuna camalka siyaasigi idin ilowsiin dacwada iyo wacyi gelinta dadweynaha. Sida Soomaalidu tidhina (far kaliyi fool ma dhaqdo), Carabtuna waxay tidhi( gacan kaliyi sacab ma tunto).
Waa in danta umada iyo diinta laga horaysiiyo danaha jamaacooyinka iyo xisbiyada, howsha Islaamka lama kala laha, danta umaduna wey ka dhexaysaa Muslimiinta oo dhan, midnimaduna waa lafdhabarka ummada Islaamka, ee taana ha ilaabina.
Islaamiyiintu meel walba ooy aduunka ka joogaan mar walba ha xasuustaan inay cizi iyo sharaf ku heliyaan hadday xaqiijiyaan shuruuda tamkiinka iyo khilaafada, inay gaadhi karaan yoolka barakaysan eey waqtiga badan u soo halgameen, culimo iyo ducaad iyaga ka midana dhiigooda loo daadiyay, dhalin yaro badana cimrigooda in badan oo ka mida ku soo qaateen jeelalka, qaarna la dhibaatoodeen eryedka iyo dabagalka ay ku hayeen sirdoonka daalimiintu . Diinta Ilaahay waxa lagu aaminayaa dad uu xaqu kala qaalisan yahay wax walba oo kale , hadday xukunka gacanta ku qabtaana fuliya shuruudaa, kana fogaada dulmiga, eexda, qabiilka, musuqmaasaqa, kali tashiga, iyo tacusbka jamaacooyinka iyo xizbiyada. Haddii kalese waxa hubaala in mashruucoodu fashilmayo, maalmaha taliskooduna tirsan yihiin, shucuubtuna nici doonto.
}الَّذِينَ إِنْ مَكَّنَّاهُمْ فِي الأَرْضِ أَقَامُوا الصَّلاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ وَأَمَرُوا بِالْمَعْرُوفِ وَنَهَوْا عَنِ الْمُنْكَرِ وَلِلَّهِ عَاقِبَةُ الأُمُورِ.{
{Kuwa haddaanu ku awood siino dhulka dhexdiisa (makinsiino) ooga salaada, sakadana bixiya, wanaaga fara, xumaantana nahyiya, Allaana iska leh cidhibta arimaha} Al-xaj:41.
Ilaahay,subxaanahu, wuxuu ayaadan ku sheegayaa inuu u hiilinayo oo difaacayo kuwa haddii uu dhulka gacanta u geliyo, siiyana hogaanka iyo madaxnimada ka soo baxa shureedeeda sida aayada ku xusan. Waa aayad u baahan in ay Muslimiintu in badan ka fakiraan, dhuuxaana macnaha ku jira. Waa inay fahmaan in dhibta iyo rafaadka noloshooda hadheeyay ku lug leeyahay mowqifka ay ka taagan yihiin shareecada Islaamka, oo ilaa maanta kuwo islaam sheeganayaa mucaarid ku yihiin dhaqan gelinteeda iyo xukunkeeda.
Sheekhul Islaam Ibnu Teymiye oo dowladaha Muslimiinta uga digaya caaqibada xun ee dulmiga oo ka dhasha shareecada Ilaahay oo la diido, ayaa yidhi:
“فإن الناس لم يتنازعوا في أن عاقبة الظلم وخيمة، وعاقبة العدل كريمة، ولهذا يروى: الله ينصر الدولة العادلة وإن كانت كافرة، ولا ينصر الدولة الظالمة وإن كانت مؤمنة”
(Dadku iskuma khilaafsana in caaqibada dulmigu xuntahay, caaqibada cadaaladuna wanaagsan tahay, sidaasi ayaa la weriyay: Ilaahay wuu u gargaaraa dowlada caadilka ah kaafirba ha ahaatee, umana gargaaro dowlada daalimka ah mu’minba ha ahaatee).
Waxa aad iyo aad u adkaan doonta inaynu jiilalka dambe u sharaxno sida ay Muslimiinta maanta nooli uga gaabiyeen fulinta shareecada Islaamka, sida ay uga caajiseen hirgelinta xeerka diinta, sida ay u ogolaadeen qawaaniin ku lifaaqan kufri iyo gaalnimo, iyo sida ay aqaliyad calmaaniyi uga qaalib noqotay!!!
Wabillaahi towfiiq.
FAAFIN: Alyaqiin.com 12.9.12
Sheikh Mohamed Sheikh cabduraxman Kaariye







hada niinkaga ku aflagadoy oo ku dhaho abada wasa maka furanta iyo hado dhaho had baxado wata iga furanta maka furama shaq
Fadlan wali mahayo Arinti an idinkacodsaday ee tafsirka shekh Aadan shekh cabdulahi cali ma Awoodan miyaa?