|

Nin Lubnaani ah oo Helay Dawada Cudurka AIDS-ka

Sida aan kasoo xiganay TV-ga Caalimga ah ee Aljazeera qaybta afka carabiga Nin lagu magacaabo Suleiman Jaan Al-Kitani ayaa shaaciyay in uu helay dawada cudurka AID’s ee halista ah waxaana lagu daray Xafiiska Kaydadka Daawooyinka ee Wadamada Europe.

Waxaa uu Sheegay Suleiman Alkitaani Shir Jaraa’id oo shalay Ku qabtay magaalada Beirut In uu si rasmi ah u shaacinayo in uu ku guuleystay helidda Dawada Cudurka iyo mid looga hortagayo in Cudurkan uu ku fido jirka Ibn’aadimka.

Natiijooyinka illaa Hadda la sameeyay waxaa ay tuseysaa In Dawadan cusubi ay hoos u dhigtay Fidida Cudurkan ee Jirka 70% Illaa 90% Natiijooyinkana waxaa shaaciyay Isbitaal  Xukuumadda ay maamusho oo laga leeyahay Dalka France.

Daawadan uu Ninka Lubnaniga ahi sameeyay waxaa la sheegay in ay ka marantahay wax Kimiko ah oo halis galin karta Qofka sidoo kale dawadan malaha “Side Affect” ama keeni meyso wax dhibaata ah oo bar bar socda daawaynteeda sida looga bartay daawooyin kale oo horay loo Tijaabiyay.

Xigasho:Aljazeera Arabic
Waxaa Tarjumay Hassan Sunni


Number Of Reads:-1106

ALYAQIIN.COM News Desk:Contact us at alyaqiin@alyaqiin.com or Via Our Contact Page ...

1 Response for “Nin Lubnaani ah oo Helay Dawada Cudurka AIDS-ka”

  1. Umurooda says:

    allaha run ka dhigo dad badan oo muslimiin ah ayaa laga yabaa in uu dhib badan ku hayee

Leave a Reply