|

Qiso dhex martay Xajaaj Binu Yusuuf oo ahaa amiirkii ciraaq iyo shaam iyo wiil yar oo Illahay xikmad iyo cilmi ku manaystay oo ka dhashay qabiilka reer binu Haashim (Dhageyso).

W/Q:Abdiqani Mahamed Eggeh
    Farxaan42@hotmail.com
Qisadan uu Qoraalkan xambaarsanyahay
oo Maqal ah Hoos ka Dhageyso.

ALYAQIIN.COM:-Qisadani waxay dhax martay Xajaj binu Yuusuf al-saqafi oo aad wada garanysaan oo amiir ka ahaa dhulka ciraaq dawladii umaawiyiinta xiligeedii iyo will yar oo ka dhashay reer Binu Haashi, xajaaj waxaa abtiyaal u ahaa reer binu umaya oo mucaawiye ka dhashay, wiilkuna waxaa uu isir ahaan ka soo jeeday binu haashi oo cali binu abuu daalib ka soo jeedo dagaalna uu ka dhaxeeyay labdan qolo ee reer binu haashim iyo reer binu umaya.

Qisadu waxay ku bilaabmaysaa in maalin maalmaha ka mida ah uu xajaaj binu yusuf alsaqafi oo amiir ka ahaa wadanka ciraaq uu maalin u baxay ugaadhisi si uu ugaadhsi u soo samaysto,xajaaj markii uu banaanka magaalda uu maraayo ayaa waxa uu la kulmay wiil yar oo gacanta ku haya xadhig ay sagaal EY ku xidhan yihiin, xajaaj waxa uu soo dul istaagay wiilkii yaraa waxaana uu waydiiyay suaal, waxa uu yidhi wiilyahow yari maxaad samaynaysaa.

wiilkii yaraa inta uu kor u eegay buu waxa uu yidhi waxaad ii sidaa war aanan ku farxin,waxaad igu eegatay idho dadka lagu liido,waxaad igula hadashay hadal islawayni ku jirto,hadalkaagu ruux isla wayn buu u eg yahay, caqligaaguguna caqli dameer buu u eg yahay, xajaaj waxa uu yidhi ima garanaysid miyaa?Wiilkii yaraa waxa uu yidhi wajigaaga madawgiisa ayaan kugu gartay markaad hadal igu bilawday adigoo i salaamin, xajaaj waxa uu yidhi waar hooge soow ma ogadi inaan xajaaj binu yuusuf ahay? Wiilkii yaraa waxa uu yidhi illahay gurigaaga ma soo dhaweeyo, martidaadana kuuma sooro, hadal badnidaa oo karaamo darnidaa.

Markii xajaaj iyo wiilkii yaraa ay intaas is waydaarasadeen, xajaajna aanuu wali hadalkii dhamayn ayaa waxa u yimi askartii ilaalada u ahayd xajaaj, waxana ay yidhaadee taliye hadal waan ku maqlaynaaye na amar waan samaynaynaaye, xajaaj waxa uu yidhi wiilkan yar ii qaada oo meel qasrigayga ka mida iigu xidha hadalkiisii aad buu ii xanuujiyaye,

Xajaaj ugaadhigiisii buu iska soo dhamaysatay, markii uu qasrigii ku soo laabatay ayuu yidhi ha lay keeno wiilkii yaraa, wiilkii baa la keenay qasarigii xajaaj uu fadhiyay ee uu ka talinayay iyadoo ay la fadhiyaay qolo masuuliyiintiisii ka mid ah, markii uu wiilkii soo istaagay goobtii xajaaj joogay ayuu wiilkii yaraa salaamay oo yidhi asalamu calaykum lakiin  waxa salaantii ka qaada ma uusan helin markaas ayuu inta uu hareeraha eegay wiilkii yaraa akhriyay sadexdan ayadoo ee ka aha( meel kasta waxaa aad ka dhisaysaan calaamo( waxa uu aad ula yaabay quruxda guriga uu xajaaj dagan yahay), warshado ayaad dhisnaysaan sida inidkoo aduunka ku waaraya oo dhimanayn, hadaad ruux qabataan si aad u xukuntaan waxaad qabanaysaan idinkoo xad-gudbay oo jabaariin madax adag ah).

 

Xajaaj oo dhabarka u jiifay ayaa soo fadhiistay, dadkii xajaaj ka ag dhawaa ayaa wiilkii yaraa ku yidhi wax edab ah ma lihid ma garanaysaa qof aad sidan ula  hadlayso, markii aad soo gashayna ma aanad salaamin salaam u qalananta saw ma ogid inaad ku jiro guriga amiirkii ciraaq. Wiilkii yaraa waxa uu yidhi waxaad tihiin digada dameerka oo kale inaan salaanta noocaas ah ku salaamo xajaaj waxaa ii diiday waan daalay waayo waxaad isoo mariseen wado dheer iyo jarjarooyin badan markaan guriga soo galayay, salaanta aad doonaysaan inaan xaajaj ku salaamo waxaa ku salaami lahaa amiirkii muslimiinta   (cali binu abu daalib) iyo asxaabtiisa.

Xajaaj waxa uu yidhi wiilyahow maanta waxaa soo dhamaatay rajadaadii ahayad inaad sii noolaato oo waxaa soo dhaawatay geeridaadii waayo waxaa tahay wiil da’yar, wiilkii yaraa waxa uu yidhi xajaajoow haday geeridaydu gacantaada ku jirto ma dhibsanyo waxaad I tidhaahdo, intaas markii ay dhacay ayaa waxaa hadal ku bilaabay dadkii xajaaj ku dhawaa oo leh wiil xun baad tahay oon edab lahay markaad sida wiilasha facaaga ah  ula hadlayso amiirka, miyaad ogayan inaad lahadlayso amiirkii ciraaq iyo shaam.

Xajaaj ayaa bilaabay inuu suaalo waydiiyo wiilkii yaraa waxana uu yidhi wiilyahow markii dhawayd ee aad lahayd salaanta gaar ka ha yaad ula ula jeeday salaantaas gaarka ah? Wiilkii yaraabaa yidhi waxaa ula jeeday amiiral muumin cali binu abu daalib iyo asxaabtiisi baan ka waday oon ula  jeeday, adigana xajaajow hadii lagu dhihi lahaa qof salaan  yaad salaami lahayd?

Xajaaj: waxaan salaami lahaa cabdimalik binu marwaan (cabdimalik binu marwaan waa reer binu umayaha waana boqorka wakhitigaas talinaya ee xajaaj  uu ka amar qaato)

Wiilkii yaraa: ma cabdimalikga faajirka ah baad salaami lahay, Dadkii goobta fadhiyay ee xilka xajaaj waxa ka yahay baa xajaaj ku yidhi xajaajow wiilkan yar dil waayo waxa uu ka baxay daacadii amiirka iyo in jamaacada lagu dhex jiro oon laga dhex bixinba dabada ayuu ka yahay cabdimakil binu marwaana waa aflagaadeeyay in la dil ayaan ku xukunay ee dil,

Wiilkii yaraabaa waxa uu xajaaj ku yidhi dadkan edab u yeel waxaan ahay ma fahmayaane, xajaaj baa dadkii ku yidhi ka aamusa idinku oo ii daaya aniga,

Intaas ka dib waxa xajaaj uu waydiiyay suaal tiro badan wiilkii yaraa waan ta xajaaj iyo wiilkii yaraa qisadii cajiibka badan ee dhex martay.

Xajaaj: ma garnaysaa walalkagay? (waxaa xajaaj walal la ahaa mid dhib badan oo yeman masuul ka ah)

Wiilkii yaraa: haa waan garanayaa walalkaa oo waa fircoon oo markii uu nabi muuse iyo haruun oo wada socdaa u yimaadeen fircoon dadkii la fadhiyay buu la tashaday adigana fircoon baa walal kula ahoo dadka kula fadhiya ayaad la tashanaysaa.

Xajaaj: waxaa uu dadkii la fadhiyay ku yidhi qoorta ka gooya mar hadiiba uu fircoon soo qaaday,

Cuqaashi nin la yidhaahdo oo ahaa dadkii goobta fadhiyay ayaa waxogaa intuu wiilkii yaraa u naxay yidhi xajaajow alle ha kuu gargaaree isku day in aanad dilin wiilkan oo aniga isii anigaa akhlaaqda u hagaajinaye oo barbaarniye,

Xajaaj: kasaxayso waa kaase alle kuuma barkeeyo’e

Wiilkii yaraa: u mahad celina maayo kii I bixiyay oo ah xajaaj  (mahad ma mudna ) iyo cuqaashi oo la I siiyay midna mahad ma mudan inay dil iga bad-badiyeen.

Cuqaashi: waryaa sidee u hadalaysaa inaan geeri kaa bad-baadiyaan doonayaya adiguna waxaa leedahay mahad iguma laha oo hadalkan maad igla hadalaysaa buu yidhi inta uu xajaaj eegay oo yidhi  ma rabo amiiroow inan ka xayasto’e  ee waxaa rabto ku samee waa wiil edab darane.

Intaas ka dib ayuu xajaaj bilaabay inuu waraysato wiilku xaga uu ka yimid iyo deegaanka uu ka soo jeedo isir ahaan, wiilkii yaraa isagoo eegay fikrada uu ka qabo xajaaj dhulka badan ayuu kolba sheegtay maagalo isagoo xajaaj tijaabinaya waxa uu ka aaminsan yahay dhulalkaas kale duwan, waxaan uu yidhi xaajaaj.

Xajaaj: wiilyahow I dhagso wadan keed ka timid?

Wiilkii: waxaan ka imid wadanka masar

Xajaaj: waxaad ka timid magaaladii faasiqiinta, waayo waxaa ku nool dumar heesaha ciyaara oo meelahaas ka bood-booda, biyaheedana waxaa lagu cabaa weelal dahab ah, wabiga niil waa wabi cajiiba oo dadku ay la yaabaan, dadka ku noolina wabiga agtiisa carabna maaha cajabna maaha.

Wiilkii yaraa: anigu habada magaaladaas kaam iman la soco, waxaan ka imid ahlu khuraasaan (dhulkii ay ka soo baxeen bukhaari iyo muslim waa wadamada Iran iyo afgaanistaan)

Xajaaj: meel ka sii shar badan baad ka timid, diintuna ay ku yar tahay waayo waa dad cajaba ah oon carab ahayn waa sida xoolaha adiga , geela iyo lo’da oo kale, hadalkood waa culus yahay oo lama karo, midkooda qaniga ah oo hantida lehina waa bakhayl.

Willkii: hadaba anigu magaaladaas kama aanan imin, waxaan ka imi dhulka shaam la yidhaahdo.

Xajaaj: waxaad ka timid dhul fiican (waa dhulkii mucaawiye looga gar-garaaya markii ay cali is hayeen) lakiin, waa dhul aan anigu necebahay waa meel dadka ka yimaada uu jidhkoodu uu adag yahay.

Wiilkii: anigu hadaba dhulkaas kama aanan imin, waxaan ka imid dhulka yeman.

Xajaaj: waxaa ka timid magaalo aysan dadkeed garanayn hadii ixsaan, wanaag iyo samo fal loo sameeyo erayga ah (waad mahadsan tahay) waayo cadkoodu wuu mac yahay, hadalkooduna waa uu jilicsan yahay, midkooda caqliga badani waxa uu isticmaalaa muusiga iyo heesaha, kooda jaahil ka ahi khamiriga ayuu cabaa.

Wiilkii: hadaba aniga kama mid ahi kuwaas kamana aanan dhalan, waxaan ka imid dhulkii barkaysanaa ee maka oo reer makaan ahay.

Xajaaj: waxaad ka timid kuwo shar badan oo jaahiliina ah dhul ay ku nool yihiin waayo qolo uu illahay nabi wanaagsan ka soo dhex saaray, nabigii bay eryeen oo caydiyeen qol ayuun illahay ku bad-baadiyay oo uu kusoo dhaweeyay kuwaas oo jeclaaday oo karaameeayay (reer madiina).

Wiilkii: hadaba aniga dhulkaas ka imin?

Xajaaj: wiilyahow jawaabahaagu way igu badteen qalibgayguna waxa uu ii sheegayaa inaan ku dilo.

Wiilkii: xajaajow hadii geeridaydu gacantaad ku jirto adigaaban ku caabudi lahaa ee xajaajow waxaad ogaataa inaan ka imid magaaladii rasuulka (NNKHA) ee madiina.

Xajaaj: waxaad ka timid magaalo wanaagsan dadka dagani waa ehulu iimaan, waa dad wanaag jecel, ee qaliibkee baad ka dhalatay?

Wiilkii: waxaan ka dhashay qaliib la yidhaa binu qaalib oo isir ahaana uu ka dhashay cali binu abuu dhalib nasabkayganu waligii ma baaba’aayo oo waligii waan jiraynaa.

Xajaaj intuu aad u cadhooday ayuu yidhi

Xajaaj: wiilkan madaxa ka gooya. Dadkii meesha fadhiyay oo caadifada nabigu yara qaaday baa yidhi xajaaj waa wiil yare ee maad iska daysid ma mudan in la dilo e’

Xajaaj: maya waa in la dilaa xataa hadii mid samada ka dhawaaqo uu yidhaa ha la daayo

Wiilkii: nabi ma tihide yaa samada kaaga dhawaaqaya?

Xajaaj: oo inaan ku dilo oo nafta ku dhaafiyo yaa iga kaa hor taagan?

Wiilkii: waxa iga kaa hor taagan oo inaad I dhisho kuu diidaya allaha kala dhex gala qofka iyo qalbigiisa

Xajaaj: illahga aad sheegaysao isagaa igu kaalmaynao inaan ku dilo

Wiilkii: illahay kuguma kaalmayna ee shaydaankaaga ayaa kugu kaalmayna inaad I dhisho ee illaahay baan ka magan galay adiga iyo shaydaankaba.

Xajaaj: wiilyahow waxaan arkaa in jaawabahaagu igu bateen ee waxaad ii sheegtaa waxa ruuxu alle ugu dhawaado?

Wiilkii: waxa uu ruuxu alle ugu dhawaado waa soonka, salaada, sakada iyo xajka

Xajaaj: anigu waxaan illahay ugu dhawaanayaa dhiigaaga waayo waxaad I tidhi waxaan ahay ilmihii faracii xasan iyo xuseen. xajaaj oo raadinay waxaa uun uu ku daayo wiilkan yar ayaa waydiiyay

xajaaj: ii sheeg wiilyahow yaa ku dhalay?,Wiilkii yaraa isagoo hadalka ku adkaynay ayuu ugu jaawaabay

wiilkii: waxaa I dhalay hooyo iyo aabo uun baa I dhalay,

xajaaj: xageed baad ka timid? Wiilkii: waxaan ka imid dhulkan balaadhan ee illaahay abuuray meel ka mid ah uun baan ka imid

xajaaj: wiilyahow waxaa ii sheegtaa carab yaa u karaamo badan? am yaa u deeqsimo badan oo u waxa bixin badan? Wiilkii: carab waxaa u deeqsino iyo karaamo badan waa qabiilka la yidhaa banuu dayiq waayo waxaa ka dhashay xaatumul asam ninka la yidhaahdo.

Xajaaj: waxaad ii sheegtaa carab yaa u sharaf badan? Wiilkii: waxaa u sharaf badan banuu mudar baa u sharaf badan waayo waxaa ka dhashay nabi muxamed (NNKHA),

Xajaaj: waxaad ii sheegtaa carab yaa u geesimo badan? Wiilkii: carab waxaa u geesimo badan waa binu haashim waayo waxaa ka dhashay waa cali binu abuu daalib

Xajaaj: waxaad ii sheegtaa carab yaa u ugu xun oo ug najaasaysan?  Wiilkii: carab waxaa ugu xun oo ugu najaasaysan waa qabiilka la yidhaado banuu saqiif waayo waxaa ka dhashay adiga oo xajaaj ah horana waxaa uga dhashay musaylam binu kadaab oo nabinmo sheegtay.

xajaaj intuu aad u cadhooday ayuu dadkii meesha ka ag dhawaa ku yidhi

xajaaj: wiilkan madaxa ka gooya? Dadkii meesha joogay baa xajaaj ku yidhi wiilku waa yar yahay ee maad iska dayside, xajaaj intuu cadhadii waxogaa iska dajiyay ayuu ku yidhi

xajaaj: geelaagii geesaha lahaa ee aad raacaysa xaagad kaga soo tagtay?

Wiilkii: waxaa kaga soo tagay geelii geesaha lahaa ee aan raacayay isagoo daaqaya geedka la yidhaa “SUWAAT” ( suwat waa geed aan caleen lahay oo kaliye leh godox oon waxa ceelan u dhalan)

Xajaaj: intuu aad u qayliyay ayuu ku yidhi waryaa wiilyahow xunka ahi oon caqliga lahan “SUWAT” miyaanuu ahayn geed aan caleen lahayn oo kaliya qodox leh sidee buu geelu u daaqayaa geed aan caleen lahayn

Wiilkii: xajaajow, adiguna xageed ku aragtay geel geeso leh, markaad geed aan caleen lahayn caleemo u diidayso

Xajaaj: wiilyahow quraanka ma xafiday? Wiilkii: quraanka markaan xafidaayo quraanka miyaa iga cararaayo

Xajaaj: wiilyahow quraanka ma kulmisay oo ma ururisay? Wiilkii: quraanka miyaa ka daadsanaa markaa ururinayo. Xajaaj: imaad fahmin su’aashayda miyaad, wiilkii: waxaa I tidhaadaa quraan akhrisay, ma fahamtay sidaas ii waydii suaasha.

Xajaaj: waxaa ii sheegtaa quraanka aayad ugu wayan? Waxaaa kaloo ii sheegtaa aayad quraanka ugu xukunka dheer? Quraanka aayad ugu cadaalada badan ii sheeg? Quraanka aayad marka la akhriyo ugu cabsida badan ii sheeg? Quraanka aayad marka la akhriyo ugu rajada badan ii sheeg? Waxaad ii sheegtaay aayada ay ku jiraan toban ayaadood oo ALLE (SW) waynidiisa lagu garanayo ay ku jiraan? Waxaa ii sheegtaa aayad ay ku jiraan been ay sheegeen ilmo nabi uu dhalay? Iyo aayada ay ku jirto run ay sheegeen yuuhuda iyo kiristaanku?iyo aayad uu ku jiro ILLAHAY hadalkiisu? Iyo aayad ay maalii’aigat  hadalkeedu uu ku jirto? Iyo aayad uu ku jiro hadalka ahlu januhu? Iyo aayad u hadalka ahlu naarku ku jiro? Iyo aayad hadalka ibliisku ku jiro?

Wiilkii yaraa ayaa uga jaawabay suaalahaasi oo dhan si waafi ah bale uu xajaaj la yaabay sida uugu kalo dhigay

Xajaaj markii wiilkii intaas dhameeyay ayuu hadan suaalo kale sii waydiiyay

Xajaaj: wiilyahow waxaa ii sheegtaa qof laga abuuray hawada, iyo qof lagu bad-baadayiya hawo, iyo umada hawo (dabayl) lagu dilay?

Wiilkii: qofka hawo laga abuuray waa nabi Ciise (CS) oo neef baa laga abuuray, qofka hawada lagu bad-baadiyayna waa nabi Sulayman (CS) oo hawda ayuu loogu garaari jiray oo adeegsan jiray, qolada hawadii am dabayshii lagu halaagayna waa reer caad markii nabigii alle (SWT) u soo diray beeniyeen.

Xajaaj: waxaa ii sheegtaa shay geed laga abuuray iyo ruux geed lagu dilay iyo ruux geed lagu bad-baadiyay?

Wiilkii: shayga geedka laga abuuray waa ushii nabi Muuse markii ay abeesada isu badashay waxay ahayd ulu waxaan ay noqotay abeeso, ruuxa geedka lagu bad-baadiyayna waxaa uu ahaa nabi Nuux (CS) markii ay dhulka iyo cirkaba ay biyo xidheen waxaa alle (SWT) dooni geed ka samaysan, ruuxa geedka lagu dilayna waa nabi sakariye (CS) oo qawamkii ay ku dileen siday u qaraacayeen.

Xajaaj: waxaad ii sheegtaa ruux biyo laga abuuray, ruux biyo dhexdooda lagu lagu bad-baadiyay iyo ruux biyo lagu halaagaya?

Wiilkii: waxaa biyo laga abuuray nabi Aadam (CS), waxaa biyo lagu bad-badaayiya nabi Muuse (CS), waxaa biyo lagu halaagay fircoon iyo qoomkiisii

Xajaaj: waxaa ii sheegtaa cid naarta laga abuuray,iyo qof naar laga bad-baadiyay

Wiilkii: waxaa naar laga abuuray ibliis, waxaan naar laga bad-badaayay nabi ibraahim (CS) markii qoomkiisu ku tureen,

Xajaaj: waxaad ii sheegtaa wabiyada janada iyo tiradooda inta ay tahay?

Wiilkii: wabiyada janada maraa aad bay u tiro badan yihiin oo illahay ayuun baa tiradooda garanaya saw alle ma dhihin janada waxaa ku jira wabiyo aan biyahoodu is badalayn,kuwa caano aan dhadhankoodu  anuu isbadalayn, iyo kuwa wabiyo khamri ah oo qolda cabtaa ay dhandhansanyso, iyo wabiyaal marlab ah oo saafi ah, wabiyaashaa dhamaantooda waxay ka soo burqadaan hal meel ah iygoo caano,khamri,biyo,iyo malab isla ah, iskumana darsamaan. Mid la mid ah kuwaas hal meela ka wada yimaada oo isku darsamayn oo kalane aduunyada ayaa laga helaa oo waa madax qofka dadka waayo wabiyo dhadhankoodu waa macaan wabiyona waa khadhaadh halka qaaran ay yihiin dhanaan  madaxa qofkana waxaa ka yimaada candhuuf waa macaan dhadhan ahaan, ilinta qofka isha ka timaadana waa dhanaan, halka dukayga qofka dhagta ka yimaadana uu yahay khadhaadh. Dhamaantoodan waxay ka wada yimaadaan madaxa qofka oo isku meel weeyaan hadan iskuma darsamaan.

Xajaaj: eluhu janahu way cabaan, waanay cunaan cuntooyin kale nooca ah mana saxaroodaan ee waxaa ii sheegtaa ruux dunida guud keeda jooga oo inta uu cuno, cabo hadana aan saxaroon sida eluha janaha oo kale?

Wiilkii: haa waa laga helaa dunida guudkeeda oo waa ilmaha yare ee uurka hooyada ku jiro, ilmahaas yari waa cabaa, waana cunaa hadan ma saroodaa,

Xajaaj: waxaa ii sheegtaa dhiigii ugu horeeyay ee dunida guud keeda ku dibca markii aadam alle SW abuuray ka dib?

Wiilkii: waxaa uu ahaa dhiigaasi dhiigii hooyadeen xaawa ee xayadka ahaa isagaan ugu horeeyay dhiig dunida guudka ku dhibca

Xajaaj: wiilyahow bal caqliga binu aadamiga waxa iiga sheeg? Iimaanka wax iiga sheeg? Xishoodka waxa iiga sheeg? Deeqsinada waxa iiga sheeg? Geesinimada wax iiga sheeg? Karaamada iyo sharafka wax iiga sheeg? Shahwada iyo qooqana wax iiga sheeg?

Wiilkii: hadaan waxa kaaga sheego caqliga illahay toban buu u qaybiyay, sagaal raga la siiyay halna dumarkaa la siiyay, iimaanka illahay toban buu u qaybiyay sagaal reer yeman baa la siiyay halna aduunka kalaa loo qaybiyay, xishoodka illahay toban buu u qaybiyay sagaal dumarkaa la siiyay halna ragaa la siiyay, deeqsinimada illahay waxa uu u qaybiyay toban sagaal raga ayaa la siiyay halna dumarkaa la siiyay, geesinimada toban ayaa illahay u qaybiyay sagaal carab baa la siiyay halna dunida kale oo dhan ayaa la siiyay, shawada iyo qooqana toban ayaa illahay u qaybiyay sagaal dumarkaa la siiyay halna ragaa la siiyay.

Xajaaj: waxaad ii sheegtaa waxa sanadkii mar kugu waajiba ah iyo waxa noloshaada oo dhan mar kugu waajiba ah? Iyo waxa imika adiga agtaada kuugu dhaw?

Wiilkii: waxa sanadkii mar kugu waajib waa soomka, waxa noloshaada oo dhan mar kug waajibi waa inaad bayta illahay xagto oo soo xajido, waxa imika aniga iigu dhawina waa geeri am inaan aakhiro tago aayaa iigu dhaw, ama inay naftu iga baxado ayaa iigu dhaw.

Xajaaj: waxaad wax iiga sheegtaa dumarka?

Wiilkii: xajaajow wali waan yar haya oo dumar maan guursan lakiin waxaa ka aqaan ayaan waxa kaaga sheegi ee hadii aad hesho gabadh toban jira waxaa haysaa xuural cay nee ha sii dayn, hadii aad hesho gabadh labatna jira waxaad haysaa jano iyo barwaaqo  iyo qurux la daawado ee ha sii dayn,

Xajaaj ayaa qosol dheer la dhacay ka badin waxaa uu sii watay suaalihii waxaana uu yidhi,

Xajaaj: waxaa ii sheegtaa qofkii ugu horeeyay ee tiriya gabay? Iyo cidii ugu jaawabtay gabay?

Wiilkii: waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee gabay am shicir tiriyaa nabi Aadam (CS), gabay ahaa calacal oo ugu baroodiiqayay wiilkiisa uu dilay walalkii , waxana u jaawabay ibiliis oo taagnaa meel aan sidaas uga fogayn.

Xajaaj: subaxaana lahaa illahay ayaa xumaan ka fog qofkuu doona ayuu xikmada iyo cilmi siiyaa ma arkin adiga wiil cilmi iyo caqli iyo kaa garsho badan, wiilyahow cilimgaagii farah badanaa waad noogu deeqday ee waxaa khasab ah inaan ku karaamayno oo aanu ku waanaajino, waxaan ku siinayaa ku siinaynaa kun diinaar, waxa kaloo ku siinaynaa dhar qurxoon, seef, gabadh iyo waliba faras.

Xajaaj oo ayna wali ka go;an damacii ahaa inuu dilo ayaa mar kale u dhigay hal-xidhaalaha waxaanu inta uu hoos isu faqay yidhi hadii faraska qaato waa iga bad-baadayaa lakiin inta kale hadii uu qaato waan dilayaa,

Xajaaj: wiilyahow kalo dooro alaabtan aan had-yad ahaan kuugu keenay?, wiilkii yaraa intii uu kale dooranaayay ayuu gabadhii oo waxa la kalo dooranyo ku jirtay tidhi aniga I qaado wiilyahow maxay taryaan maro qurxoon, lacag, seef iyo faras anigaa kaaga wanaagsan ee aniga I qaado waxaan kuu noqo doonaa gabadh aad ku raaxaysato oo raaliyo ahe,

Wiilkii: gabadhyahay dan kaama lihi ee iskay daa;  xajaaj ayaa dareemay sanqashadii iyo il jabintii gabadha oo ku yidhi xajaaj: maad isku xishootid gabadhyahay intaad wiilka yar u il-qabinayso markaas buu gabay u tiriyay gabadhii xajaaj.

Wiilkii: xajaaj hadaad I kale dooran siiyo alaabtan ah kun diinaar, gabadh, seef, iyo faras, aniguwaxaa qaadan lahaa faraska lakiin adiga hadii aad dheecaan xalaal ah ka dhaltay oo aad tahay nin wanaagan waa I wada siinaysaa.

Xajaaj: wada qaado dhamaantood illahay kuuma barkeeyee

Wiilkii: waan kaa gudoomay alaabtaas ee adiga illahay mida ka danbaysa kuma siiyo, adiga iyo aniga illahay mar danbe nama kulan siiyo.

Markii uu wiilkii yaraa alaabtii oo dhan isku qaatay ayuu yidhi xajaajow xageen baan ka baxaa oo maraa

Xajaaj: waxaad ka baxadaa iridaas halkaas ah ( inta uu u tilmaamay albaab aan cid dhibto aanuu arkayn)

Xajaaj ayaa dadkii aga joogay yidhi maxaad igu tilmaantay albaabka uu ku nabad galayo ee aad ugu tilmaami wayday ka aanu ku xidhayno,

Xajaaj: waxaa ugu tilmaami waayay waa uu ila tashaday qofku haduu kula tashada waa uu ku aaminay markaas ma haboona in la khiyaameeyo.

Sidaas ayuu wiilkii yaraa ku badbaaday oo kaga baxay qasrigii xajaaj isagoo wato alaabtii oo dhan

Faa”iidooyinka qisadan:

1. fahamka cilmiga iyo kitaabka in aanay ku xidhanan yari am weyni

2.barashada cilmigu inuu yahay waxa ku waajiba qofka muslimka ah

3. in allah SWT kali wax dili karo xataa hadii seef tu ku dul taalo

4. ku dhaganaata diinta islaamku inay tahay mid laga bad baado cadga

5. iyo faa’iidooyin kaloo tiro badan oo aad ka tirin karto adiga laftigaag

Qisadan oo Maqal ah Hoos ka Dhageyso….
Waxaa Tarjumay
Abdiqani Mahamed Eggeh
farxaan42@hotmail.com

Number Of Reads:-9156

ALYAQIIN.COM News Desk:Contact us at alyaqiin@alyaqiin.com or Via Our Contact Page ...

1 Response for “Qiso dhex martay Xajaaj Binu Yusuuf oo ahaa amiirkii ciraaq iyo shaam iyo wiil yar oo Illahay xikmad iyo cilmi ku manaystay oo ka dhashay qabiilka reer binu Haashim (Dhageyso).”

  1. abdikarim says:

    masha,alah shikh ahmed nuur i love this muahadro also many people listen to you baraka lahu fiik allah will save yo

Leave a Reply